DHAGEYSO:-Wasiir Qarjab oo Soo Jeediyey in Xabsiga Ladhigo Odayaal iyo Dhalinyaro Dhib Kuhaya Garoowe

0

Muddooyinkii ugu dambeeyey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa siweyn looga cabanayey isku qabsiga dhulka iyo dad shacab ah oo bilaabay inay jeexdaan dhulkii xoolo daaqeenka ahaa ee ku hareeraysnaa magaalada Garoowe iyo nawaaxigeeda.

Wasiirka warfaafinta Puuntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo horay u soo noqday wasiirka amniga Puntland iyo gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa kula taliyey shacabka degmada Garoowe inay maamulka cusub ee degmada iyo laamaha ammaanka kala shaqeeyaan sidii dadka boobka dhulka caadaystay gacanta loogu qaban lahaa.