Siyaasi Falanqeeya Arrimaha Bariga dhexe oo falanqeyeey Xaladda Syria.

0

Muhanad Al-Daahiri oo ah qoraa iyo Falanqeeyo Arrimaha Bariga Dhexe ayaa sheegay in Dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Turkiga ay saameyn ku yeesheen qorshaha Mareykanka uu ku doonayo in Ciidamo Carbeed uu ku geeyo Dalka Syria.

Waxa uu sheegay in Mareykanka uu doonayo in uu badalo Wajiga Siyaasadeed uu ku wajahayo Wadanka Syria, Ciidamada Wadamada Isbaheysiga Sacuudiga uu hogaamiyo uu damacsan yahay in uu ka qeyb galiyo Dagaalka ka socda Syria.

Sababaha ay dalalka Soomaaliya ay kamid tahay ay saameynta ugu yeelatay waxa uu ku sheegay Xirirka Imaaraatka ay la leeyihiin oo maraya Heerkii ugu horeesay, saameynta ka dhalatayna wadamada Carbeed laga dareemayo.

Sudan waxa ay iyanna qaadatay go’aan dhabar-jebin u noqon kara Howlgalka Isbaheysiga Sacuudiga Yemen, maadaama ay ku dhawaaqday in ay Ciidamadeeda kala baxeyso Yemen.

Turkigana waxa uu ku sheegay in Ciidamadiisa ay ku sugan yihiin Waqooyiga Syria, siyaasad ka duwan Xulufada Sacuudiga uu wato, waxa ayna ku xaglinayaaan dhanka Qadar.