Hab suuq madow ah oo Muqdisho lagu kala iibsado Hub laga bixiyay Xerada Jeneraal Gordan

0

Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in maalmihii dambe lagu kala iibsanayay hubka laga  bixiyay xerada Generaal Gordan ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Xerada Generaal Gordan ayaa ah xero ay dowlada Imaaraadka ay ku tababari jirtay ciidamada dowlada ka hor inta aysan sheegin in ay joojiyeen tababarkii ay siin jireen ciidamada ayna ka guurin xeradaasi.

Sida ay qortay Wakaalada Wararka ee Reuters hub u badan qoryaha fudud ayey sheegtay in lagu kala iibsado magaalada Muqdisho hab suuq madow ah.

Todobaadyo ka hor ayey aheed markii warbaahinta gudaha ay shaaciyeen in la boobay hub yaalay xerada Jeneraal Gordan, laakiin saraakiisha ciidamada xooga ay beeniyeen warkaasi sheegayay in xeradaas hub lagala baxay.

Sidoo kale todobaadkaan ayaa xeradaas waxaa ka dhacay dagaal muddo kooban socday oo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada kadib markii qaar ka mid ah ciidamadii ay tababartay Imaaraadka la sheegay in ay isku dayeyn in ay jabsadaan Bakhaaro hub ay ku keedsanyihiin ee Xerada Generaal Gordan laakiin Ciidamo kale ay ka hor istaageyn isku daygaasi.