Wasiirkii hore Dekadaha Puntland oo u jawaabay Madaxweyne Gaas Maxay Tahay Jawaabta ?

0

Wasiirkii hore ee wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax oo shalay magaaladda Boosaaso kaga dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan jagada madaxweynaha Puntland ee doorashada 2019ka, ayaa u jawaabay madaxweynaha xilka haya ee Cabdiweli Gaas.

Wasiirku wuxuu qirtay in xiriir uu dhexmaray isaga iyo masuuliyiinta Shirkadda Shiinaha ee CCECC, isagoo si adag uga jawaabay eedayn uga timid madaxweynaha Puntland

“Dadka uu ka hadlay, anigu Dekedaan joogay, aniga qalabkooda soo dejin jiray, aniga caawin jirtay. Markii aan shaqada ka tegay, haddii ay warqad ii so direen ama ay su’aal i soo weydiiyeen oo ay yiraahdeen waxaa laga yaabaa inaan mashaariic ka qaadano wadankaaga maxaad nagula talin lahayd, oo aan runta u sheego oo ku iraahdo, haddii aad wadankayaga shaqo ka qabanaysaa, marka hore dowladda federaalka ka bilowdaaniin oo aad ogolaansho ka haystaan” ayuu yiri wasiirku

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in madaxda shirkadda CCECC uu u sheegay in Puntland ay ku jirto sannad doorasho, waxaase uu beeniyay inuu u hanjabay oo uu ugu goodiyay inaysan dalka imaanin

“ annaga Puntland ahaan Sanad doorasho ayn ku jirnaa, adduunka meesha doorasho ka jirto ma degana, Laakiin anigu ha imanina ma oran, nin ciidan kaxaysta oo xoog ku jajuuba ama dadka u hanjaba ma ahi”