Wasiiro ka soo horjeestay Shirkii Badqabka Suxufiyiinta [DAAWO]

0

Wasiiradaha Warfaafinta ee Maamul Goboleedyada Dalka ayaa si wadajir ah war uga soo saaray Shir saxaafadeed oo looga hadlayay badqabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka dhacay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirada Warfaafinta ee Maamulada Hirshabelle, Galmudug iyo Jubaland ayaa sheegay in Shirkaas uu ahaa mid sharafka looga qaaday Xubnihii Maamul Goboleedyada uga qeyb galayay Shirkii ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Jubaland, Cabdi Nuur Cali Aadan ayaa waxuu sheegay in lagu casuumay shir loogu magacdaray bad-qabka suxufiyiinta, balse ajende kaas ka duwan looga hadlayay Shirkaasi.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in Shirka la isugu keenyay Kooxo magacyo gaar ah wata, islamarkaana dhaqaalo ku doonaya Shirar gaar ah oo aan khuseyn Saxaafada Soomaaliyeed.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu ugu baaqay Madaxda Dowladda in ay wax ka qabato shaqsiyaadka ku howlan boobka dhaqaalaha loogu deeqo Saxaafada Soomaaliyeed.

Dhinciisa, mas’uul u hadlayay Wasaarada Warfaafinta ee Maamulka Galmudug, ayaa waxuu sheegay in ay ka soo horjeedaan Shirkii ka dhacay Muqdisho, waxuuna carabka ku dhuftay in Shirkaasi uu mid aan looga hadleyn arimaha bad-qabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Waxuu ka dalbaday Hay’addaha u ololeeya Xuquuqda Suxufiyiinta in ay isha ku hayaan arimaha looga been abuurto Suxufiyiinta ka howlgalla Degaanada Maamul Goboleedyada Dalka.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa shaaciyay in Shirkii ka dhacay Xerada AMISOM ee Xalane uu ahaa mid ay wateen Kooxo gaar ah, si buu yiri ay ugu boobaan Saxaafada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Ugaas Xasan ayaa ku tilmaamay Wasaarada Warfaafinta mid fadhiid ah oo aan shaqeyn, islamarkaana aan gudin Karin waajibaadkii loo igmaday.

“Waxaan la soo shaqeynay Wasiiradii hore ee Warfaafinta ee Soomaaliya, sida Eng Yariisoow iyo Maareeye, xaqiiqdii waxaa muuqda in farqi weyn uu u dhaxeeyo islamarkaana Wasaarada Warfaafinta ee Soomaaliya ay noqotay aan shaqeyn”, sidaasi waxaa yiri Wasiir Xasan Cabdi Maxamed.

Waxuu sheegay in Hay’adda u dooda Saxaafada looga baahan yahay in ay la socdaan in Sanad walba Soomaaliya lagu yabooho malaayiin doolar., taasi oo waxba laga siin Wasaaradaha Maamul Goboleedyada ee Dalka, waxuuna intaasi ku daray in marnaba aysan u dulqaadan doonin in xaqooda la dafiro.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wasiirka waxuu carabka ku adkeeyay in aysan ka hari doonin Ururo uu sheegay in magacyo kala duwan ay la baxeen, kuwaasi oo soo qaban qaabiyay Shirkii ka dhacay Muqdisho, isagoona intaasi ku daray in dhamaantood ay isaga baxeen Shirka uu socdo.

Ugu dambeyn, Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan Madaxda Dalka, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, si buu yiri “aan ugala hadalno Shirkii sumcada noogala qaaday”,

Sikastaba Wasaaradaha Warfaafinta ee Maamul Goboleedyada Dalka oo si wadajir ah Shir jaraa’id ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa mowqif adag ka qaatay Shirkii loogu magacdaray badqabka Suxufiyiinta Soomaaliyeed.