Xildhibaan Mahad Salaad oo Weerar Culus ku qaaday Culimada ka digtay Bandhig faneedyada Anshax darrada ah

0

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa weerar culus ku qaaday culimada Soomaaliyeed ee ka digtay Bandhig Faneedyada anshax darrada ah ee laga qabanqaabinayo magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa is weydiiyay in Wadaaddau ay waayeen wax ka muuhiimsan sida uu yiri “LUG LA BANNEEYO” oo ay ka hadlaan?!, wuxuuna ku eedeeyay Culimada inaysan lahayn Ardo ama Xer ku xiran oo Diinta uu baro oo aysan oogin Masaajid, Mowlac ama xitaa Dugsi Qur’aan caruurta wax lagu baro.

Xildhibaanka oo ka mida kooxda Damjadiid oo koox diimeed ah ayaa Culimada hay’ada Culimada ku sheegay inay degan yihiin Hoteelada, kirada qolka iyo cuntada ay Dowladu ka bixiso, isal maraana xafladaha Madaxda Dowladu yimaadaana ka khudbeeya oo ka duceeyaan.

“In ay maanta kasoo saaraan “FATWO” gabar fannaanad ah oo dalka timid iyaga oo ku andacoonaya “WAXAA NALOO SHEEGAY IN AY HEESI DOONTO IYADA OO LUG QAAWAN malla waydiiyay: – Cidda u sheegtay in gabadhu isqaawin doonto!..” ayuu yiri Mahad Salaad oo farriin yaab leh soo dhigay baraha bulshada.

Wuxuu dhinac kale ku eedeeyay culimada inay ka hadli la’ yihiin una sixi la’yihiin qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee maalin waliba ay geysanayaan ardaydii ay iyagu wax soo bareen ee sida qaloocan diinta uga fahmay!