Masar oo ka Warbixisay Wada Hadal Dhax Maray C/Fitaax Al Sisi Iyo Madaxweyne Farmaajo

1

Xafiiska Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al Sisi war kasoo baxay ayaa lgu faah faahiyay wadahadal dhanka Taleefanka ah oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya farmaajo iyo dhigiisa dalka Masar.

War laga baahiyay Talefishinka rasmiga ee dalka Masar lagana soo xigtay xafiiska madaxweynaha dalkaasi ayaa lagu sheegay in uu wada hadal mira dhal ah oo dhinacyo badan taabanayay uu dhax maray madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Masar Cabdifitaax Al Sisi iyo maxamed cabdillaahi Farmaajo.

“Waxaa kulan wada yeeshay madaxweynaheena masar iyo dhigiisa Soomaaliya, waxey ka wada hadleen arimaha amaanka Somaaliya iyo kan masar iyo sido kale in masar sii xoojiso dhaqaalaha bani’adamnimo iyo kaabayasha dhaqaale ee Soomaliya”. ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Masar.

Warbixin kasoo baxday shalay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidaan oo kale faah faahin looga bixiyay wada hadalka dhax maray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo kan dalka Masar.

Waxaa ay tahay Su’aasha is weydiinta mudan waxa kusoo aadiyay in Talefanka ay ku wada hadlaan labada madaxweyne, iyagoo maalma ka hor ka qeyb galay kulanka Hogaamiyaasha Carabta ee ka dhacay Magaalada Dhahraan ee Sucuudiga,inkasta oo shirkaasi si gaar ah ay isku arkin labada madaxweyne ayaa hadana waxaa la is weydinayaa arinta deg dega ah ee sababtay in Taleefoonka ay ku wada hadlaan.

Waayadaan danbe waxaa sii xumaanayay khilaafka u dhaxeeyaha dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka, waxaa sido kale dowladdo badan oo Carbeyd ay isku dayayeen iney arinta taagan xal u helaan, hadii ay suura gal tahay in meel dhaxe labada dowladood Imaraadka Carabta iyo Dowladda Soomaaliya.

Comments are closed.