Dowladda Zimbabwe oo Shaqadii ka Cayrisay 16,000 oo shaqaale caafimaad ah

0

Dowladda Cusub ee Zimbabwe ayaa shaqada ka ceyrisay 16,000 oo kalkaaliyayaal caafimaad ah kaddib markii ay dhigeen mudaharaad ay ku dalbanayeen xuquuqdooda.

Shaqaalaha Caafimaad ayaa waxaa ay ka cabanayaan in aanay helin xuquuqdooda ay ka mid tahay mushaarka iyo waxyaabaha dheeraadka ah ee la siiyo shaqaalaha.

Isniintii la soo dhaafay ayey shaqaalaha faarujiyeen Isbitaallada waxaana arrintaas ay caro badan ku abuurtay Dowladda Cusub ee Madaxweyne Emmerson Mnangagwa.

Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi, Constantino Chiwenga,ayaa ku eedeeyay shaqaalaha caafimaadka gaar ahaan kuwa kalkaaliyayaasha ah in ay sameeyeen shaqo joojin siyaasadeed iyo shaqo ka tegis badan.

Waxaa uu sheegay in 16,000 oo shaqaale ee la ceyriyay lagu beddelayo kalkaaliyayaasha howlgabka ah iyo kuwa shaqo la’aanta ah.