DHAGEYSO:-Wasiirka amniga puntland oo Farriin u Diray ciidanka difaaca puntland

0

Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntland Axmed Cabdullaah Dowlad oo maanta magaalada Garoowe kaga qaybgalay xaflad uu xilka kula wareegayey gudoomiyaha degmada Garoowe ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyo qorshaha dowladda Puntland.

Ugu horrayn wasiirka amnga dowladda Puntland ayaa ciidanka difaaca dowladda Puntland ku ammaanay shaqada difaaca ee ay ka hayaan deegaamada Puntland, wuxuuna bogaadiyey qaabka ay shacabka gobolka Nugaal ciidanka u garab istaageen.

“Waxaad ogaanaysaan in Puntland horumar iyo sharaf ay ku tallaabsato inay marwalba jiraan cadaw intaa ka soo horjeeda oo aan jeclayn, cadaw aan jeclayn oo jecel inaad duntid, mid gudaha kujira iyo mid dibadda joogaba haddii aynu isku duubanahay dhammaanteen waxaa xaqiiq ah inaynu ka guulaysanayno”, ayuu yiri Wasiir dowlad.