Mooshinka Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaadhay halkii ugu adkaa (Akhriso)

3

Wararka naga soo gaadhaya Xarunta maamulka HirShabelle ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Xildhibaanada Mooshinka kawada madaxweynaha maamulkaas   Maxamed C/waare.

Xildhibaanada Mooshinka kawada Waare oo iminka tirro ahaan kordhay ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay wadaan diiwaan galinta Xildhibaano dheeri ah oo kusoo biiray Mooshin wadayaasha.

Xildhibaanada ilaa iyo hadda is diiwaan galiyay ayaa la xaqiijiyay inay kor u dhaafayaan Afartan iyo Shan Xildhibaan oo si rasmi ah u saxiixay Mooshinka Hogaamiye Waare.

Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa qaarkood sheegay inuu u yeeray Hogaamiye Waare si ay u wadahadlaan, hase ahaatee ay diideen.

SHARE

3 COMMENTS

  1. Hirshabeele iyada markii hore qalad ahaa hadii larawo federaal sax ah oo degan hurumarsan wexey eheed in la israaciyo labada shabeele iyo banaadir laakin hada labada shabeele mid waaba dhintay oo sh/hoose oo dadkii xataa isaga qaxay oo dowladii dhexane hadey gaari leheed caqabad kala kulmaaya sh/sakiin oo uuawoodin inuu baydhabo dhaafo hirshabeelana mooshin ayey kabixi ladahay shacabka waa iney kahoryimaadan federaalkaan oo sixun loogu sameeyey somaliya koonfur galbeed iyo jubaland ayey eheed inlais raaciyo galmuduk iyo hiiraana inlaisraciyo wexey ahaan leheed federaal xoog leh horumar degdegna gaara hada jaziira iyo ceelasha biyaha baydhabo ayaa laga xukumaa kaaraan wixii kadambeeyana hiiraan ayaa laga xukumaa aaway dowlada dhexe arintaan xildhibaanada mexey usoo qaadi waayeen iyo kuwa kasoo jeeda sh/hoose iyo sh/dhexe oon dan ugu jirin sida hada federaalka loo sameeyey iyo xataa dowlada dhexeba

  2. Madaxwayne Waare waxan moodaynay inuu dhaamo kii ka horreeyey ina Cosoble oo ahaa nin aqoon iyo anshax daran, dadkana aan la heshiin karin.

    Waxan is lahayn Waare wuu aqoon dhaamaa, khibrad iyo aqoon labadaba. Lakinse wuxu u egyahay nin aan kii hore dhaamin dhan kastaba.

    HirShabelle waa in la baab’iyaa mar haddii aan laysku keeni karin fikradaha ah:

    1) Yaa wax hoggaamin kara oo ay aamini karayaa qabaa’ilka ku bahaysan oo dhan?

    2) Haddii Xawadle laga wareejiyo Madaxwaynaha Abgaal iskuma darsan karo Madaxwayne iyo Magaala madaxda HirShabeelle.

    Waxa loo baahanyahay shirwayne hor leh ee lagu saxo khaladaadka ka jira HirShabelle oo dhan.

    Maamulgoboleedka dhammantiis dib loo saxo, meel kastana dib looga unko.

    Xawadle HirShabelle ma rabo,
    Gaaljeclna ma doonayo
    Reer Hiiraan maamulgoboleedkan sidiisaba kuma qanacsana. Walaa reer Sh. Hoose ayaan isku waafaqsanayn.

    Maamulgoboleedkan waxa dan ku watay Xassan Qoslaaye. Wuuna tagay. Ummadda Soomaaliyeed afkaarta ku salaysan maamulka Federalka uma baahna wax khayr ahna ku soo kordhin mayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here