DHAGEYSO:-Taliska Ciidanka xooga oo beeniyay in boob uu ka dhacay xerada General Gordan

0

Taliska ciidanka xooga Soomaaliyeed ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay eedeeyn loo soo jeediyay saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya.

Kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qaateen gaadiid dagaal, kadib markii saraakiil ka socotay dowlada Imaaraadka ee taba barayay ciidamada dowlada ay baneeyeen xerada General Gordan ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha hogaanka siyaasada iyo wacyigelinta ee ciidamada xooga Gaashaanle sare Cabdixamiid Sheekh Cali Xayda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin eedeeyntaasi, wuxuuna tilmaamay in la baahiyay warar aan sax aheen.

Hadalka taliyaha ayaa imaanaya kadib markii dhame C/llaahi Cumar Cali oo ka mid ah Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ee ku sugan xerada Tababarka Dowladda Imaaraadka carabta ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa Saraakiil kale ku eedeeyay oo milatariga ka tirsan in ay qaateen Dhowr gaari oo nuuca dagaalka ah kadib markii ay xaruntaasi baneeyeen Saraakiisha ka socotay Dowladda Imaaraadka ee Tababarka ka bixin jiray magaalada Muqdisho.