AMISOM oo soo bandhigtay qorshe looga hortagayo qaraxyada ay fuliyaan Al-shabaab

0

Wakiilka Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya ayaa isniintii ku dhawaaqay dadaaalo adag oo ladoonayo in looga hortago qatarta waxyaabaha qarxa ee ku wajahan ciidamadda amaanka iyo shacabka Somaaliyba.

Francisco Madeira, Madaxa Howlgalka AMISOM ayaa ka sheegay furitaanka shirkii Afraad ee Labo sanadle ah oo looga hadlo ka hortagga qaraxyadda in isticmaalka ay Qatar weeyn ku keeneen Xasiloonidii wadanka.

“sida ugu wanaagsan ee looga adkaaankaro waxyaabaha qarxa waa in siyaasadeennu saxan tahay, hadii ay siyaasadeenu, waxaba maahan inta techoolojiyad eelahowlgalinayo, waxaan u baahan doonaa in qof kasta uu doorkisa ciyaaro ayuu yiri” Madeira, sida lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saray Howlga AMISOM.

Waxaa uu ku booriyay Militry-ga Booliiska iyo Dowladdu in ay iskaashadaan, si looga hotago isticmaaalka aaan kala sooca lahayn ee Qraxyadda.

Shirkaan oo Howlgalka AMISOM uu soo qaban qaabiyay ayaa waxaa looga golleeyahay in la kordhiyo Awoodda Ciidamadda Soomalida iyo kuwa AMISOMba ay uleeyihiin in ay si buxda uga hortagaan Hubakaan ay Al-shabaabku jecelyihiin.

Madeira waxaa uu adkeeyay Muhiimadda ay leedahay Sirdoon adag iyo Xogta oo lawadaago iyo in sidhow shacabka loola shaqeeyo.

Howlgalka Midowga Africa waxaa uu leeyahay Al-shabaab ayaa si adag u isticmaalay Waxyaabaha Qarxa si ay u dilaan Ciidamo iyo shacab.

Wadooyinka ay Ciidamaddu isticmaalaan ayaa ah meelaha ugu badan ee miinooyinka qarxa ay qasaaraha ka geystaan, halaka Mararka qaarna ay Al-shabaab Gawaari u adeegsadaan weerarro qaraxyo ah.