Wasiirka Maaliyada Dawlada Soomaaliya oo Madaxda Ha’adda IMF kala Hadlay lacag cusub oo Soomaaliya yeelanayso.

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa kulamo la qaadanaya Madaxda Hay’adda lacagta Aduunka iyo Banka Aduunka.

Mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa hay’adahaasi u soo bandhigaya hanaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya iyo isbadalada lixaadka leh ee ay samaysay, Waxaana uu kala hadlayaa sidii Soomaaliya loogu saacidi lahaa Mashaariic dib u kabasho ah inta uu socdo hanaanka lacagaha daymaha ah looga cafinayo.

Arrinta kale Dr Bayle kala hadlayo Madaxda Bankiga aduunka iyo IMF ayaa ah in la dadajiyo Qorshaha samaynta lacag cusub oo Soomaaliya yeelato, taas oo Wasaaradda Maaliyaddu doonayso in la hirgaliyo Sanadkan 2018-da.

Dr Bayle ayaa khubad ka jeediyey Jaamacadda Caalamiga ah ee Harvod, taas oo uu kagahadlay fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya ka banaan.