Guddoomiye Eng. Yarisow “Waxaan aaminsanahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay leeyihiin maskax nadiif ah oo isbadal keeni karta”

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta daah-furay Barnaamijka Wacyigelinta Dhalinyarada Gobolka ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay dhalinyaradu qaadan lahaayeen doorkooda ku aaddan horumarinta dalkooda, maadaama ay yihiin saamileyda saxda ah ee dalka.

Duqa Muqdisho waxuu ugu baaqaydhalinyarada Soomaaliyeed in kaalin mugleh ay ka geystaan dadaallada lagu xaqiijinayo rajooyinka iyo hadafkooda mustaqbalka, bacmadamaa ay yihiin madaxda iyo hoggaanka berri, ka maamul ahaanna ay diyaar u yihiin wax walba oo kor u qaadaya tayadooda si ay u buuxiyaan doorkooda muhiimka ah.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo cadeeyay taageerada uu u hayo horu-socodka Dhalinyarada ayaa yiri; “Dad badan ayaa dhalinyarada ku eedeeya inay mas’uul ka yihiin burburka Soomaaliya, laakiin waxaan halkaan ka sheegayaa in aad tihiin wadada kaliya ee loo marayo nabadda iyo dhismaha dawladnimada. Waxaana aaminsanahay in aad tihiin maskax nadiif ah oo isbadal keeni karta,

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ku dheeraaday kaalintii ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku lahaayeen xoriyadda iyo dawlad dhisidda Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinta Caasimadda in ay ka shaqeeyaan amniga magaallada, ayna ka hortagaan wax kastoo wiiqaya xasilloonida iyo amniga dalka.

Munaasabadda Daah-furka Wacyigelinta Dhalinyarada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benaadir Mudane Cabdikaafi Maxamuud (Makaraan) iyo dhalinyaro isaga kala yimid 17-ka degmada ee Caasimadda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO:-Wasiirka Maaliyadda soomaaliya oo markii ugu horeysay ka hadlay lacagtii imaaraadka ee garoonka muqdisho lagu qabtay
- Apr 20, 2018
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya CAbdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka ...
DHEGAYSO:-Xukuumadda Soomaaliya Oo Beenisay In Dowladii Hore Imaaraadka Heshiis Kala Gashay Dekada Berbera
- Apr 20, 2018
Maalma ka hor Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa sheegay ...
Taliyihii Ciidamada Suudaanta Koofureed Oo Geeriyooday
- Apr 20, 2018
Wasiirka warfaafinta Koofurta Suudaan, Michael Makuei Lueth, ayaa sheegay inuu Maanta oo Jimca ah ...
Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Sharaxay Sharciga Xaq-siinta Ciidanka.
- Apr 20, 2018
Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo kamid ah Xubnaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo la ...
Wasiir Beyle oo Rajo ka muujisay in Deemaha laga Cafiyo Soomaaliya.
- Apr 20, 2018
Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galaya ...