DHEGAYSO:- Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo kismaayo ka furay shir looga hadlayo Hormarinta Kismaayo

0

Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Jubbaland waxaa maanta ka furmay shir balaaran oo looga hadlayo hormarinta magaaladda kismaayo,iyado shirkas uu si rasmi ah u daahfuray Madaxweyne ku xigeenka labaad ee jubbaland Maxamuud Sayid Aadan,

Shirkan waxaa ka qayb galay Madax kasocota Bangiga aduunka kuwaas oo maanta gaaray kismaayo,waxaana ujeedka ay tahay sidii jubbaland uga Caawin lahayeen hormaradda dhinayadda dhismaha iyo dhaqaale ahaanba.

Wasiirka Qorsheeynta iyo Xirirka Caalamiga ah ee jubbaland oo Saxaafadda la hadlay markuu shirka soo dhamaaday ayaa ka hadlay ujeedka kulankan iyo waxyaabihii diirada lagu sarayeey.