Ciidamada Xasilinta oo Howlgalo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

0

Ciidamada Xasilinta ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran ka sameeyay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen degmooyinka Yaaqshiid, Deyniile, Howlwadaag iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Waxaana howlgalladaasi qeyb wyen ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamullada degmooyinkaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamnineysa howlgalladaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka uu ahaa xaqjiijinta amniga magaalada Muqdisho.

Balse saraakiishu ma shaacin natiijada rasmiga ee baaritaanada  ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya, xilli Habeen ka hor Ra’iisul wasaare Kheyre uu kulan la qaatay taliyeyaasha Ciidamada iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlay Sugida ammaanka ee magaalada Muqdisho.