R/wasaare ku-xigeenka dalka oo kormeer shaqo ku tegay Xarunta Hay’adda Cilmi baarista Baddaha Soomaaliya

0

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Mohamed Gulleid Khadar ayaa kormeer shaqo ku tegey Xarunta Hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliya.

R/wasaare ku xigeenka ayaa waxa kormeerkiisan shaqo ku wehelinayay Wasiirka gaadiidka Badda iyo Dekeddaha Soomaaliya Maryan Aweys iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi Cismaan Maxamed Cabdi

Madaxda Hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliya ayaa Ra’iisalwasaare ku xigeenka iyo Wasiiradda kusoo dhoweeyay xarunta Hay’addaasi.

Gudoomiyaha Hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa Ra’iisalwasaare ku xigeenka warbixin ka siiyay shaqadda ay Hay’addu qaranka u hayso waxaanna uu tilmaamay in Hay’addu deraasad ku samaysay xeebaha Soomaaliya wuxuuna soo bandhigay sun lagu soo daadiyay qaybo kamid ah xeebaha dalka isagoona la waadagay Madaxda sawiro iyo muuqaalo muujinaya sunta lagu arkay meelo kamid ah xeebaha dalka.

Ra’iisalwasaare ku xigeenka dalka Md Mahdi Mohamed Gulleid sheegay in kormeerka ay ku yimaadeen Hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliya uu qayb ka yahay barnaamijka isla xisaabtanka ee xukumadda waxaanna uu tilmaamay inay ka duulayaan siyaasadda madaxweynaha ee ah in la sugo in shacabka soomaaliyeed sidii loogu talo galay ugu adeegaan hay’adda laamaha dawladdu.

“Kormeerkan shaqo ee aan ku tegay Hay’adda Cilmi Baarista Baddaha Soomaaliya wuxuu qayb ka yahay qorshayaasha Xukuumadda ee ku sar go’an isla xisaabtanka iyo hufnaanta shaqada qaranka. Waxaan aad u bogaadinayaa madaxda Hay’adda Cilmi Baadhista Baddaha hawsha baaxadda leh ee ay qaranka u hayaan. Dawladda Nabad iyo Nolol waxay ka duulaysaa siyaasadda Madaxweynaha ee halbeegedu yahay in Hay’addaha dawladu ay sidii loo baahnaa ugu adeegaan shacabka.” Ayuu yidhi R/w ku xigeenka Soomaaliya Md Mahdi Mohamed Gulleid.

Kormeerka R/w ku xigeenka Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili uu shalay shir gudoomiyay kulan looga hadlayay sharciyada heer federaal ee la dagaalanka budhcad badeeda iyo ansixinta xeerka qabyo qoraalka ah ee baddaha Soomaaliya.