Maxkamadda Hargeysa oo 3; sano oo xabsi ah ku xukuntay Naciimo Qorane

2

Maxkamadda Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland ayaa saddex Sano oo xabsi ah ku xukuntay Naciimo Abwaan Qorane oo Billowgii Sanadkan lagu xiray Magaalada Hargeysa.

Maxkamadda Magaalada Hargeysa ayaa Naciimo ku soo oogtay labo dambi oo ay ku sheegtay in ay faafisay dacaayad ka dhan ah Hay’adaha Maamulka Somaliland iyo dambiga 2aad oo ay ku sheegtay in ay dal shisheeye ka sameysay kacdoon liddi ku ah Somaliland.

Mubaarig Cabdi Ismaaciil oo ah garyaqaan ayaa eedahaas ka hor jeediyay Maxkamadda iyada oo Maxkamadduna saddex Sano ku xukuntay Naciimo oo ah Gabar baraha bulshada wax ku qorta.

Maxkamaddu ma sheegin in Xukunka Naciima la iibsan karo ama racfaan laga qaadan karo sida xukunno ay horay u ridday oo kale.

SHARE

2 COMMENTS

  1. Waa doqonimo weeyn gabar somaliyeed oo xarik gardaro ah kumuteysaneysa iney tiri keliya somali weeyn ayaan aamin sanahay siyad bare ood dikteytar kusheegeyseen idinkaabo kasii darayba hadii gabadha dhihi leheyd itoobiya si toos ah noo hoos geeya maamul kusheegta weey usacaba tumi lahaayeen kuwa Somaliland uafduuban kama ahan iney somali wexey ay neceyb yihiin laakin kuraastoodi ayey kubad baadsanaayaan

  2. ASC WR WB WR HEEDHE SIDEY WAX KAAYIHIIN WAR MAXAMED SIYAAD BARRE MADAXWEYNE SOOMAALIYA AYUU AHAA OO SOOMAALIYA SOO GAARSIIYEY HER AY KU FAANEYSO ILAA MAANTA OO LA DHAHAAYO BARIGAN DOWLADA XOOGA WEYN AHEYN MARKA ISAAQLAAND HADEY XIREYAANBA WAX SOOMAALIWEYN SHEEGTA AMA DHABA SOOMAALIWEYN BAAN NAHAY XADEY XIREYAAN WAA YAAB OO KUWA SHEEGANEYO ISAAQLAAND

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here