Madaxweynaha puntland oo ka hadli doonaa Arinta imaaraadka carabta iyo bixitaankii puntland

0

Madaxweynaha puntland cabdi wali maxamed cali gaas ayaa lagu wada in uu ka hadlo bixitaanka imaaraadka ee puntland ka dib markii ay shalay garoonka bander qaasim ka dhoofeen saraakiishii dhanka tabarka u qaabilsana ciidamada BMF.

Madaxweyne gaas oo xiligan ku sugan degmada caro halkasi uu uga qayb galayo caleemo saarka Caleemasaarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi ayaa lagu wada in uu dhanka bosaaso u soo gudbo halkaas uu saxaafada kula hadli doono sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan madaxtooyada puntland waxaana uu go’aan cad ka qaadan doona madaxweyne gaas arinta imaaraadka carabta oo mudo badan puntland ayna ka hadlin tan iyo intii khilaafka imaaraadka iyo xukuumada dhexe dowlada imaaraadka carabta ayaa puntland ku cadaadiyay in uu go’aan ka soo horjeeda dowlada soomaaliya soo saaro balse maamulka puntland ayaa si cad arintaas u diiday

Allgalguduud kala soco