Doorashada Kursi Golaha shacabka ah oo Dhuusamareb kadhacday

Doorashada Kursigii ugu dambeeyay ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Doorashadan waxaa ugu cad caddaa Cabdullaahi Faarax Weheliye oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya iyo Maxamed Cilmi Afrax oo horay ugu tartamay Madaxweynaha Galmudug sidoo kalena noqday Wasiirka Qorsheynta Galmudug.

Doorashada waxaa sidoo kale kula tartamayay Cabdullaahi Xersi,waxaana natiijada noqotay sidan hoos ku xusan

Cabdullaahi Faarax Weheliye 28; Cod
Maxamad Cilmi Afrax 17; Cod
Cabdullaahi Xersi 3, Cod
Waxaa xumaaday 3; Cod.

Cabdullahi Faarax Weheliye ayaa wareegga 1aadba helay codad ku filan oo ah 28,sidaas ayuu ku noqday Xildhibaanka ugu dambeeyay ee ku biira Golaha shacabka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO:-Wasiirka Maaliyadda soomaaliya oo markii ugu horeysay ka hadlay lacagtii imaaraadka ee garoonka muqdisho lagu qabtay
- Apr 20, 2018
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya CAbdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka ...
DHEGAYSO:-Xukuumadda Soomaaliya Oo Beenisay In Dowladii Hore Imaaraadka Heshiis Kala Gashay Dekada Berbera
- Apr 20, 2018
Maalma ka hor Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash ayaa sheegay ...
Taliyihii Ciidamada Suudaanta Koofureed Oo Geeriyooday
- Apr 20, 2018
Wasiirka warfaafinta Koofurta Suudaan, Michael Makuei Lueth, ayaa sheegay inuu Maanta oo Jimca ah ...
Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Sharaxay Sharciga Xaq-siinta Ciidanka.
- Apr 20, 2018
Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo kamid ah Xubnaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo la ...
Wasiir Beyle oo Rajo ka muujisay in Deemaha laga Cafiyo Soomaaliya.
- Apr 20, 2018
Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galaya ...