DHAGEYSO:-Madaxweynaha Puntland oo soo dhaweeyey Baaqii Boqor Buurmadow, Isagoo Shuruud Ku Xidhay Muuse Biixi iyo arinta tukaraq

0

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay munaasabadda Caleema-Saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Cabdullaahi oo ka dhacday magaalada Carmo, ayaa si rasmi ah u sheegay in uu aqbalay dalabkii uga yimid Boqor Buurmadow oo ka soo jeeda dhinaca Somaliland kaasi oo nabad dalbaday in ay ka dhacdo deegaanka tukaraq

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay Puntland waligeedna caan ku ahayd nabadda iyo deris wanaaga oo ay soo dhaweynayso dadaal kasta oo wanaagsan, balse wuxuu sheegay in uu dalabkaas aqbali doono marka uu yeelo Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Gaas wuxuu muujiyey in uu si adag ugu jawaabay Boqor Buurmadow oo keenay dalabkan

Hoos ka dhageyso codka