Danjiraha Itoobiya ee Somaliya oo booqasho ku jooga Baydhaba

1

Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliya, Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa maalintii 3aad booqasho ku joogga Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Koonfur Galbeed.

Booqashada Safiirka ayaa waxay la xiriirtaa, sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga ganacsi ee labada dhinac, horumarinta waxbarashada, amniga iyo sidii loo hirgelin lahaa wado isu xirto Degmooyinka Baraawe iyo Doolow.

Jamaaludiin Mustafa Cumar, Safiirka Itoobiya ee Somaliya ayaa Arbacadii Magaalada Baydhabo kula kulmay ganacsatada Koonfur Galbeed, Wasiirada Amniga iyo Waxbarashada.

Safiirka ayaa markii uu kulamadaasi soo geba-gabeeyay waxaa uu kormeer ku tagey Xarunta Telefishinka Koonfur Galbeed, xilli uu wehlinaayay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), iyadoona uu halkaasi shir jaraa’id ku qabtay.

Comments are closed.