Xiisad dagaal oo laga soo sheegayo deegaanka tukaraq ee gobolka sool (Akhriso)

1

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyo deegaamada ku hareersan ee ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland iyo Soomaaliland ayaa waxaa lagu soo waramayaa in saaka laga dareemayo xiisad dagaal iyo dhaqdhaqaaqo ay wadaan ciidanka labada dhinac.

Inkastoo ay soo baxayeen warar sheegaya in asbuuca dambe lakala qaadi doono ciidanka labada dhinac haddana ciidanka Puntland oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa waxa ay fariisimo horleh ka samaysteen agagaarka deegaanka Tukaraq.

Ciidanka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay fariisimo horleh ka samaysteen waddooyin muhiim ah oo u furnaa ciidanka Soomaaliland, waxaana sidoo kale deegaamadaasi gaarey ciidamo horay uga tirsanaa kuwo ka soo gostay maamulka khaatumo oo ka soo kicitimay qaybo kamid ah gobolka Sool, kuwaasi oo taageersan ciidanka Puntland.

Comments are closed.