Wararkii ugu dambeeyay dagaal dhexmaray Ciidanka Kenya iyo Shabaab

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo Ciidanka Kenya iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ku dhexmaray degaanka Faxfax-dhuun oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin degaanka, waxaana halkaasi dhinacyadan ku dhexmaray dagaal qaatay wax ka badan saacad.

Dadka degaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay arkayeen xoogag Shabaab ka tirsan oo aad u hubeysan kuwaasi oo marqura weerar ku galay saldhiga Ciidanka Kenya, intaasi kadibna uu xigay dagaal kulul oo labada dhinac dhexmaray.