DHAGEYSO:-Puntland oo Shuruud Adag Ku xidhay qaadashada dastuurka Soomaaliya ee haatan dib-u-eegista lagu samayanyo

0

Golaha wasiirada dowladda Puntland ayaa sheegay in aysan qaadan doonin Dastuurka Soomaaliya ee haatan dib-u-eegistu ku socoto,haddii aan la waafajin nidaamka Federaalka dalka,sida ku xusan qoraal ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada dowladda Puntland ee maanta.

Golaha Wasiirada Puntland ayaa ugu baaqay guddiyada gacanta ku haya Dastuurka , in qodobada ay diyaarinayan ay waafajiyaan haykalka hannaanka Federaalka ee dalku qaatay,waxaana dowladda Puntlan ka digtay in Dastuurka laga weeciyo nidaamka Federaalka ee Soomaali ku heshiisay.