Awood Sheegashada Barlamaanka, Jawaari iyo Kheyre Kee Goolka Guusha Dhalin Doona??

1

Buuqa ay sababta u yihiin jawaari iyo Muudey, Kheyre iyo Farmaajana u gaban yihiin xagge saldhigan doona? Maxaa Faa’ido ku jira is qab qabsigooda waqti lumiska ah oo dantii guud lagu lumiyey??

Haddii ay heshiin waayaan kooxaha is haya yaa talada dalka la wareegayaa? Muxuuse noqon doona mustaqabalka Farmaajo haddii barlamaankii doortay uu shirqooka kheyre ka raaco?

Haddii jawaari barlamaanka ku guulaysto mooshinka laga keenay Kheyre ma joogayaa? Haddiise Kheyre guulaysto oo albaabka mooshinada la furay ilaa intee joogayaan Kheyre iyo Farmaajo, mase dhamaysan xiligii xukunkooda loogu tala galay?

Su’aalahaas dhamaantood jawaabtoodu waqtiga ku habboon ayey imaan doonaan.

Iyadoo Barlamaanka Somaliya maanta leeyahay laba xoghaye, madaama xoghayihii guud ee baralmaanka uu guddoomiye ku xigeenka 1aad ku eedeeyey inuu dhex baabaaceeyey mooshinka iyo siyaasaddaha ay xildhibaanada Barlamaanku isku haystaan oo si ku meel gaar ah shaqadiisa u sii wadayo ku xigeenkiisa, Laba guddoomiye oo jawaari iyo Muuday isku haystaan, laba mooshin oo kala aragti duwan oo ay kala wataan Jawaari iyo Muudey oo kala ah mooshinka Jawaari iyo arrinta ku saabsan derbiga.

Kenya ay ka dhisayso xadka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Beled Xaawo, Xaaladda Barlamaanka Soomaaliya Labooy Laba qabo taagan tahay maxay Xaaladda Barlamaanka iyo xaalada guud ee dalka ku dambayn doontaa?

Madaamada uu kheyra horay u la wareegay awooddii Madaxweynaha, haddana isku dayayo inuu la wareego Guddoonka barlamaanka hadduu guulaysto Kheyre xaggee ku furi doonaa xaalada Soomaaliya?

Waxa soo if baxay loollan ka dhexeea labada nin oo dhalashada Norvejiyaanka haysta iyo Madaxweynaha oo haysta dhalashada Maraykanka, waxaa la isku haystaa inay aanay ahayn arrin iyo qadiyada dalka iyo dadka dan u ah balse ay tahay awaamiir ay dowladaha ay dhalashadooda haystaan ay kala siiyeen.

Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed u itimiiyaa in sinaba masiirka ummadda lagu aamini kari Qurbo joog oo daacad u ah dalal aan dadkii dhulka lahaa dantooda wadin oo ay madaxdooda wadin.

Baaq Ku Wajahan Kooxaha Masiirka Ummadda Marin Habaabinaya.

Kooxahaas isugu jira Madaxweynayaal, Wasiiro iyo xildhibaano ummadda Soomaaliyeed lugooyada ay ku hayaan ha ka dayaan, mustaqbalkoodii oo dhan waxay doonayaan inay danahoooda u afduuban iyo umadda ku ridaya jaha wareerin, kala qaybin iyo niyad jabid.

Comments are closed.