Akhriso:-Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo khilaafka barlamanka soomaaliya si lama filaan ah uga hadlay

0

Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka hadlay khilaafka ka dhex jira xildhibaanada baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa ku taliyay in xal siyaasadeed lagu dhameeyo, isla markaana la joojiyo mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Cumar Cabdirashid  ayaa ku ammaanay Madaxweyne Farmaajo soo dhex gelida khilaafka baarlamaanka iyo dib u dhigga uu ku sameeyay kulankii lagu waday in uu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho

Waxaa uu sheegay in khilaaf sidan oo kale ah hore u soo dhex galay dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud oo mooshin laga keenay balse dib loo celiyay kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan iyo Madaxweynihii iyo ra’iisal Wasaarihii xilligaas Xasan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid ay wadahadal ku xaliyeen.

“Waxaan rajeynayaa in xal siyaasadeed oo waara laga gaaro khilaafka xukuumada iyo baarlamaankana ay ka fogaadaan buuqa iyo isqabqabsiga.”ayuu ku taliyay Cumar Cabdirashiid oo ku sugan wadanka Isu tagga Imaaraadka Carabta.