Miguna oo mar kale dalka kenya laga masaafuriyay.

0

Miguna Miguna oo ah sharci yaqaanka afka dheer ayaa mar kale dalka laga masaafuriyay waxaana laga dajiyay magaalada Duba ee UAE.

Waxaa la masaafuriyay xalay fiidkii kadib maalmo markii uu ku xayirnaa JKIA oo uu Isniintii kasoo dagay.

Terminal 2 ama qeybta 2aad ayaa uu ku xiyirnaa mudadaas. Abukaatehiisa Mr Nelson Havi ayaa sheegay in Dr Miguna loo qaaday Dubai.

Waxaa sidoo kale arinkaasi xaqiijiyay in Miguna loo qaaday Dubai abukaatehiisa kale Cliff Ombeta. Wuxuu sheegay in la duray Miguna oo sidaasi lagu sakhraamiyay, gacmaha silsilad looga jabiyay deedna diyaarad lagu qaaday.