Sharci yaqaanka afka dheer Ee Miguna oo cabanaya

0

Sharci yaqaanka afka dheer Miguna Miguna oo doraad duhuhurkii kasoo dagay JKIA ayaa sheegay inuu ku dhibban yahay JKIA oo ciidamada ammaanka iyo asagu ay isku hortaagnaayeen laga soo bilaabo markii uu halkaa yimid.

Miguna ayaa asagu sheegtay inuu yahay janaraal ka tirsan NRM oo dawladu ay u aqoonsatay dhaqdhaqaaq geyru sharci ah. Wuxuu sheegay in haatan noloshiisu liidato ayna tahay xayaatul kalab.

Waxaa loo diiday inuu daakhilka usoo galo dalka oo garoonka uu soo dhaafo hadii uusan codsan fiise Kenyan ah. Ninkaasi ayaa diiday qaadacayna in uu sidaasi yeelo asagoo sheegay inuu Kenyan yahay uusana u baahnayn dal ku gal in loo siiyo dalkiisa inuu galo.

Sidoo kale dawlada ayaa sheegtay in waa hore uu lumiyay sharcigiisii muwaadin-nimo. Laakiin waxaa uu sheegay inuu wali Kenyan yahay uusana u baahnayn inuu codsado in mar kale loo diiwaan gasho Kenyan-nimo. Wuxuu diiday in uu buuxsho foomam loo geeyay.

 

Maanta ayaa Miguna uu sheegay in boolisku ku xireen musqul aad wasaq u ah asagoon heysan wax agab ah oo nolosha uu ku maareeyo, garoonka diyaaradaha gudihiisa.

Wuxuu sheegay in la handaday, la weeraray lagana jeexjeexay dharkii uu xirnaa.

By mohamed somali.