Shabaab Oo Soo bandhigtay Askar Dowlada ka tirsana Oo Isku Soo Dhiibay+Sawiro

0

Kooxda al shabaab ayaa gobolka shabeelaha dhexe gaar ahaan tuulada Aaden yabaal ku soo bandhigay askar ka tirsan dowlada soomaaliya.

Askartan oo ku labisan dareyska ciidamada dowlada soomaaliya ayey ururku sheegeen in ay isku soo dhiibeen al shabaab,iyagoo ka soo baxay ciidamada dowlada oo in muddo ah ay u dagaalamayeen sida ay baahisay idaacad shabaab ka afkooda ku hadasha.

Askartan ayaa dowlada uga howlgali jiray gobolka shabeelaha dhexe waxana ragan lagu kala Magacaabaa Nuur yuusuf Cali , Maxamed Axmed Raage iyo Nuur Maxamed Axmed.