Shabaab Iyo Dowlada Oo Ku Dagaalamay Hiiraan

0

Warka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo Al-shabaab in uu ka dhacay deegaanka gal-Xamur oo qiyaastii 30 Kiilomitir koonfur-Bari kaga beegan degmada Baladweyne.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ku bilowday qarax dhulka la galiyay oo lala eegtay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaliya.

Mid kamid ah gaadiidka dagaalka Ciidamada Dowlada oo nuuciisu ahaa Cabdi Bile ayaa Qarax Miino lala beegsaday xilli uu kusii jeeday  magaaladda Balad-weyne.

Wali faahfahino rasmi ah lagama hayo Khasaaraha Ka dhashay Dagaalka Saacadaha kooban Socday iyo Qaraxa lala Beegsaday Ciidamada Dowladda.