Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed oo ka Tacsiyeeyay Xildhibaanad lagu dilay Muqdisho.

0

Xildhibaanad Ruqiya Xasan Abshir oo kamid aheyd Xildhibaanada Maamulka Koofur Galbeed waxaa Magaalada Muqdisho Xalay ku dishay dabley hubeysan oo illaahada aanan la garan.

Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa ka tacsiyaayay Geeridii ku timid Xildhibaanadda, waxa ayna dalbadeen in cadaaladda la horgeeyo kooxihii ka dambeeyay dilkeeda.

Aweys Xuseen Macalin Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa sheegay in ay aheyd qof fir-fircoon kana dhex muuqatay Xildhibaanada.

Ehelada, Xildhibaanada iyo Asaxaabtii ay ka geeriyootay ayuu tacsi la wadaagay, waxa uuna hay’adaha ammaanka Dowladda ka dalbaday in lasoo qabto dilkeeda ka dambeeyay.

Xildhibaan Aweys ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed ay ku jiraan Fasax, dibna ay u kala aadeen deegaanadooda si ay usoo ogaadaan Xaaladaha ka taagan.

Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda dilka Xildhibaanad Ruqiya, Ciidamada Ammaanka Dowladda oo dilka kadib goobta gaaray ayaa sameeyay howlgalo ay ku baarayaan kooxihii dilka ka dambeeyay, wali ma jiro war ay hay’adaha Ammaanka kasoo saareen howlgalkooda iyo hadii ay soo qab-qabteen dad ay la xiriirinayaan dilka Xildhibaanadda.