DHAGEYSO:-Maamulka gobolka bakool oo beeniyay in calanka itoobiya laga taagay gobolkaasi

0

Guddoomiyaha deegaanka Caato ee gobolka Bakool Wardheere Ducaale Maxamuud ayaa beeniyay in Calanka dowlad deegaanka Itoobiya laga taagay deegaankaasi.

Wardheere ayaa tilmaamay in arrintaasi aysan ahayn mid xaqiiq ah, islamarkaana wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah.

Waxaana uu xusay in maamulka dowlad deegaanka Itoobiya ay yihiin dad daris ah, isuna kaashada kaliya xaqiijinta amniga.