Baarlamaanka Galmudug oo kulan ku yeelanaya Dhuusa-mareeb

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa kulanoodii ugu horeeyay ku yaalanaya Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, sida ay Idaacadda Risaala u xaqiijiyeen qaar ka tirsan Mudanayaasha.

Baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa 26-kii bishan lagu mideeyay Magaalada Dhuusa-mareeb, kadib Munaasabad halkaasi ka dhacday oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).

Kulanka waxaa shir guddoomin doona Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, waxaana xalay xildhibaanada lagu wargeliyay in uu jiro kulan maanta oo Arbaco ah.