Akhriso:-Golaha amaanka oo muddada u kordhiyay howlgalka Q.M ee Somaliya

0

Golaha amaanka Qaramada Midoobey ayaa muddada uu shaqeynayo u kordhiyay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Kulan ay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ku yeesheen xaruntooda Newyork,waxaa ay ku saxiixeen qaraar tirsigiisu yahay 2408,waxaana muddo sanad ah lagu kordhiyay howlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Goluhu waxaa ay warbixin ka dhegeysteen xafiiskooda Soomaaliya waxaana kaddib isku raaceen in muddo sanad ah shaqada loo kordhiyo.

Qaraarka cusub ee ilaa Bisha March 2019 uu ku shaqeynayo xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxaa uu sidoo kale dowladda Federaalka ah ugu baaqay in ay wax ka qabato qorshaha lagu gaarayo doorashooyin  qof iyo cod ah,xaqiijinta amniga,dowlad wanaagga,la dagaallanka argagixisada iyo qodobo kale.

Danjiraha Soomaaliya ee Golaha amaanka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay ka walaacsan tahay dowladda Soomaaliya sida ay u dhacday warbixinta uu xafiiska ka diyaariyay Soomaaliya hayeeshee ay ka mideysan yihiin dhamaan duruufaha la soo bandhigay.

Golaha amaanka ayaa ku baaqay in caalamka uu taageero dadaallada ay waddo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya islamarkaana kaalmada la siiyo Soomaaliya la joogteeyo.

Ugu dambeyn Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey waxaa uu cambaareeyay Qaraxyadii dhawaan ka dhacay Muqdisho oo ay ka midyihiin Qaraxyadii 14kii October iyo kii 23kii Bishan ka dhacay Muqdisho.