Will Bajaajle Ahaa Oo Afgooye Lagu Dilay

0

kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa dagmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ku qaarijiyey wiil dhalinyaro ahaa oo si weyn looga yaqaanay gudaha magaaladaasi

Wiilkan oo lagu magacaabayey Mayow C/laahi ayaa ku shaqeysan jiray mootada bajaajta loo yaqaano,waxana la ogayn sababaha ka danbeeya dilkiisa

dableydii dishay wiilkan ayaa goobta isaga carartay,waxana goobta gaaray ciidamada dowlada oo howlo baaritaano ah ka sameeyey gudaha magaalada gaar ahaan xaafa 21 October oo ah halka uu falkani ka dhacay