Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Saraakiil dhalinyaro ah

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga wuxuu kula kulmay saraakiishii Dhalinyarada aheyd ee dhawaan loo dhiibay hoggaanada qaar ee Ciidanka.

Bilowgii bishan ayaa waxaa isbedel lagu sameeyay 13 Sarkaal oo ka tirsan Millitariga Soomaaliya oo gaboobay ama Odayaal noqday, waxaana lagu bedelay dhalinyaro aqoon leh oo dhawaan ku biirtay Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo tababar ku soo qaatay dalka Dibaddiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dhalinyaradan kulan gaar ah Jimcihii ina dhaaftay la qaatay, wuxuuna weydiiyay in ay u sheegaan baahiyaha ay qabaan iyo wax walba oo ay u baahan yihiin, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan howlihiisa shaqo u wareejiyay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, si uu u dhiiro-geliyo Ciidamada Xoogga dalka iyo in uu la socdo xaaladahooda.

Dhalinyaro badan ayaa ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo u baahan dhiiragelin Xooggan in loo sameeyo, maadaama ay yihiin kuwa dalka iyo dadka naftooda u huray.