Gabar 5 Jir oo uu waraabe ku cunay deegaan Ka Tirsan Somaliland

0

Dadka Ku dhaqan deegaanka Gabileey ee gayiga Somaliland ayaa soo sheegaya in maanta tuulo hoostagta dagmadaasi uu waraabe Ku cunay gabar yar.

Gabadhan oo ka dhalatay qoys deer miyi ah ayaa da’deeda lagu sheegay 5 jir.

Waraabaha ayaa Gabadha kala baxay guriga kadib markii qoyska ay ka daafaceen xoolahooda oo uu weerar Ku soo qaaday,isagoo u Daba maray guriga oo uu kala baxay inanta yar.

Raadin dheer kadib qoyska ayaa soo helay cadad ka mid ah hilbaha gabadhooda,waxana arintani ay ka dhacday meel 5km u jirta tuulada Arabsiya ee deegaanka Gabileey.

Dhacdadan ayaa qal qal iyo cabsi Ku beertay dadka tuulooyinkaas Ku dhaqan,waxana si aad ah looga hadal hayaa guud ahaan gayiga Somaliland.