Faah Faahin: Xildhibanadii Caawa Muqdisho Lagu Dilay

0

Kooxo bistoolado Ku hubeysan ayaa caawa muqdisho Ku dilay xildhibaanad ruqiyo abshir oo ka tirsanayd maamulka koonfur galbeed.

Xildhibaanada ayaa lagu dilay farmashi ay ku lahayd suuqa cowska oo aan sidaa uga fogoyn masaafo ahaan isgoyska maana booliyo,waxana baxsaday dableydii dilka u gaysatay.

Maamulka koonfur galbeed ayaa warbaahinta u xaqiijiyey geerida xildhibaanada,ilaa iminkana ma jirto cid sheegatay masuuliyda dilkaasi.

Maalmihii ugu danbeeyey waxaa faraha ka baxayey amaanka caasimada muqdisho,waxana todobaadyadii tagay siyaabo kala duwan uga dhacay dilal qorsheysan,kuwasoo inta badan masuuliyadooda ay sheegto ururka al shabaab.