DHAGEYSO:-Siihayaha Xeer-ilaaliyaha guud ee puntland oo eedayn kuluul u jeediyay odoyaasha dhaqanka

0

Siihayaha Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland,Maxammed Xareed Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay tacaddiyada kufsi ee saddexdii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay afar gobol oo kamid ah sagaalka gobol ee Puntland.

3 dexdii bilood ee sanadkan waxaa deegaanada Puntland ka dhacay 18 kufsi sida ay sheegtay Xeer ilaalinta guud Ee Puntland , Sii hayaha Xeer-ilaaliyaha guud oo shir jaraa,id ku qabtay Garowe ayaa sheegay inay dhaceen tacadityadaasi,

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay kusfigu inuu ka kooban yahay 3 dex nooc oo kala duwan .

Waxa uu sheegay Xafsiiyada Maxkmaddu ku leedahay gobolada Puntland inay soo gaaraan dacwado kala duwan oo ah Kufsi oo loo gaystay gabdho ayna jiraan kuwo been abuur ah oo gabdho sheegtaan oo aan ahayn wax xaqiiq ah .

Maxamed Xareed ayaa tilmaamay inay jiraan falal kufsiga la xiriira oo aan soo gaarin Maxkamadaha taasoo ay dhameeyaan Odayaasha dhaqanka , Waxaana uu sheegay sababaha kufsigu u sii kordhayo inay qayb ka tahay Eedaysanayaasha gaysta danbiyada oo sharciga aan la hor gayn iyo Odaaysha dhaqanka oo gabdhii kufsi loo gaysto ku Abaalmariya ninkii kufsaday oo loo guuriyo.