Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowlada Oo Ku Dagaalamay Muqdisho

0

Ciidamo ka wada tirsan dowlada soomaaliya ayaa maanta Ku dagaalamay agagaarka xerada 77 dagmada dayniile ee magaalada muqdisho.

Dagaalkan oo socday in ka badan saacad iyo bar ayaa ka dhashay dhul ay ciidamadaasi isku heystaan,oo in muddo ah ay xiisadiisu soo jiitameysay.

Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey in hubka noocyadiisa kala duwan ay isku adeegsadeen ciidamada,waxana ay wal wal ka muujiyeen dagaalka Ku soo laa laabanaya deegaankooda.

Ilaa hada mala xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay,base ahaatee dagaalada ceynkan oo kala ah khasaaraha ugu badan waxa uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Ilo wareedyada ayaa sheegay in iminka ay xaaladu caadi tahay,waxana ciidamadii dagaalamay kala dhex galay askar kale oo uu maamulka gobolka soo diray.