Akhriso:-Miguna oo lagu wado inuu dalka kenya ku laabto

0

Sharci yaqaanka afka dheer ee sidoo kalena ah siyaasiga katirsanaa NASA iskuna magacaabay inuu yahay jeneraalka NRM oo ah dhaqdhaqaaq dalka laga xarrimay ayaa maanta jadwalkiisu ahaa inuu dalka dib ugu soo laabto kadib dhawaan markii dibada loo masaafursahy, waa hadii uu jadwalkiisa ku adkeystoe.

Miguna Miguna ayaa ah nin asagu yeeshay istayl u gaar ah ama qaab u gaar ah. Galabta ayaa lagu waday oo qorshuhu ahaa inuu dalka dib u yimaado hadii uu raaco qorshaha u daggan.

7dii bishii hore ayay ahayd markii dalka laga masaafuriyay kadib markii loo caal waayay dawladuna ayba sheegay in ninkaasi uu dhalashadii Kenya uu lumiyay waa hore. Dawladii Moi ayaa uu hada ka hor ka cararay waxaa uuna qaatay sharciga Canada oo uu muddo dheer ku noolaa.

Si kastaba ha ahaatee asagu waxaa uu sheegaa inuusan lumin dhalashadiisii Kenya uu u dhashay. Dhawaana maxkamada sare ayaa xaqiijisay in ninku uu wali Kenyan yahay. 30kii bishii Janaayo ayaa uu ka qeyb qaatay qabanqaabada xafladii dhaarinta ee Raila uu isugu dhaarshay inuu yahay ‘madaxweynaha shacabka’.

Miguna ayaa xataa shalay warbaahinta u sheegay inuu imaan doono wixii loo gaaro 2da iyo 15 daqiiqo oo ah maanta galinka dambe.
Wuxuu sheegay inuu ku imaan doono diyaarada Emarates EK19, asagoo Dubai kusoo mari doona taransit. Miguna ayaa sheegay maadaama uu yahay Kenyan dhalad ah in loo dammaanad qaado ammaan buuxa markii uu yimaado Kenya.
Si kastaba ha ahaatee Miguna ayaa dalka ku soo laaban doona hadiiba uu soo laabto ayadoo heshiis uu dhexmaray dhawaan madaxweynaha iyo hoggaamiya sare ee NASA ee Raila Odinga.

Ayadoo lagu wado in Miguna uu kasoo dago maanta JKIA ayaan la ogeyn in Raila iyo madax kale toona ay ku soo dhaweyn doonaan halkaas. Durba markii la masaafurshay dhawaan ayaa boqolaal qof oo deegaankiisa iyo tuuladii uu ku dhashay ku nool waxay cambaareeyeen falkaasi masaafurinta ah.

Miguna ayaa olole ka waday Mareykanka iyo Canada iyo waliba Ingiriiska intii la masaafurshay kadib si uu afkaartiisa taageero uga helo Kenyanka qurbaha iyo waliba wixii kale ee ku taageeri kara.

Miguna ayaa sidoo kale intii dibada uu ku maqnaa wixii masaafurinta ka dambeeyay la hadlay warbaahinta caalamka in badan oo ka tirsan si uu u caan bixiyo NRM.

Kooxo badan oo Kenyan ah oo qurba joog ah ayaa la xiriiray sida la sheegay oo ugu baaqay in uu soo booqdo meelaha ay joogaan si uu ugala hadlo si toos ah arimo badan sida lahaanshaha labo jinsiyadood-labo sharci oo labo dal kala leeyihiin sida Kenya iyo Canada.

By: mohamed somali.