Dhageyso”Aaden Madoobe “Hogaaminta barlamanka Waxaa Xaq U leh Gudoomiye Ku Xigeenka Koowada Maadaama Jawaari Uu Ku yaalo Mooshin”

0

Xildhibaan Aaden Madoobe Oo horey u soo noqday Gudoomiye Barlamaan ayaa sheegay in kulamada soo aadan ee barlamanka ay sharci tahay inuu shir Gudoomiyo Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Barlamanka Mudane Muudeey

Xildhibaanka ayaa arintan ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay waxana uu arintaasi u sababeeyey mooshinka ka yaalo jawaari oo aan u ogolaan doonin inuu kulamada soo socdo shir gudoomiyo.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale gudoomiye jawaari ku eedeeyey isagoo xog ogaal u ah qodobadaasi inuusan ku dhaqmeynin xeer hoosaadka u dagsan sharuucda barlamanka dalka,waxana uu soo jeediyey inuu dastuurka dalka u dagsan u hogaansamo.