Xildhibaan Fiqi:Xukuumada Soomaaliya Weerar Ismiidaamin Siyaasadeed ah ayey Ku Qaaday Xarunta Golaha Shacabka

0

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bogiisa internetka in Xukuumadda ay weerar ku qaaday Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo ku tilmaamay weerarka inuu yahay  ismiidaamin siyaasadeed.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in illaa 40 Wasiir oo Xildhibaano ah ay saxiixeen Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari, kuwaasoo uu tilmaamay intooda badan aanay khayaarkooda ku saxiixin.

“Weerarka Xukuumadda ku soo qaaday Baarlamaanka (Golaha Shacab), ee mooshinka looga keenay Guddoomiye Jawaari waxaa saxiixay 40 Wasiir oo Xildhibaano ah, oo intooda badan mooshinka aan ku saxiixin khayaarkooda”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Waxaa uu sheegay inuu fashil ku soo dhamana doono mooshinkan, isla markaana kuwa abaabulay sharciga la horkeeni doono sida uu yiri.

Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay inay hoos ka riixayaan Mooshinka Jawaari, iyadoo markii u horeysay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda lagu arkay shirkii Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey uu ku sheegay in Mooshinka Jawaari uu sharci yahay.

Qalalaase siyaasadeed ayuu lugaha la galay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, maalin kaddib markii uu meel mariyay Xeer dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World, waxaana la is weydiinayaa waxa isku soo beegay Mooshinka iyo go’aankii Baarlamaanka ee Xeerkii loogu magac daray Dhowrida Gobonimada iyo geyiga Soomaaliyeed