DHAGEYSO:-Dowlada soomaaliya oo lagu amaanay nabadaynta gobolka mudug

0

Nabadoon C/casiis Yuusuf Aw Xaarin oo kamid ah Nabadoonada gobolka Mudug ayaa bogaadiyey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo waxqabadyadii ay ka qabteen nabad galyada gobolka Mudug.

Nabadoonka ayaa sidoo kale wuxuu bogaadiyey gudiyada loo xilsaaray nabad galyada gobolka waxqabadkoodu wuxuuna ugu baaqay inay isugu tanaasulaan nabad galyada qodobo heshiis lagu yahayna ay kasoo saaraan.

Nabadoonka ayaa hadalkiisan wuxuu kusoo aadaya iyadoo magaaladan Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ay ka hawlgalayaan ciidamo ka socda milatariga Soomaaliya kuwasoo sugaya Amniga gobolka Mudug iyagoo u dhexeeya labada Maamul gaar ahaana suuqyada waa weyn ee isku xira shacabka labada Maamul ee gobolka Mudug.