Akhriso:-Miguna oo codsaday in dawladu u dammaanad qaado ammaan markii uu soo laabto.

0

Sharciyaqaanka ahna siyaasiga afka dheer ee leh labada magac ee isku eg, Miguna Miguna ayaa codsaday in dawladu u dammaanad qaado ammaan markii uu soo laabto.

26ka bishaan ayaa uu sheegay inuu dalka dib ugu soo laaban doono.

Dhawaan ayaa dawladu ka masaafurisay dalka kadib markii la sheegay in uu dhalashadii Kenya uu u dhashay uu lumiyay waqti hore walow dib inuu Kenyan yahay maxkamadi u caddeysay.

 

Muddo wuxuu haatan joogay Canada iyo Mareykanka oo uu olole ka waday. Laakiin haatan oo uu qorsheynaayo inuu dalka dib ugu soo laabto ayaa amniga oo loo dammaanad qaado kasokow wuxuu codsanayaa in dawladu ka bixiso tikidka diyaarada.

 

Abukaate u doodaya oo lagu magacaabo Nelson Havi ayaa wasaarada amuuraha gudaha ka codsaday inay u saamaxdo Miguna inuu dalka si bed qab ah ugu soo laabto una joogo.

 

Maxkamad ayaa bishii hore amartay in dawladu ka bixiso sidoo kale tikidka diyaarada min Toronto Canada ilaa Nairobi.

By mohamed somali.