Akhriso:-Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu wareejiyay amaanka Xarunta Golaha Shacabka

0

Ciidamo ka tirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa saakay lagu wareejiyay amaanka dhismaha Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya oo saacadihii ugu dambeeyay ku jirtay xaalad xasilooni darro dhinaca amniga ah.

Ku dhawaad 100 ka mid ah Ciidamada AMISOM gaar ahaan Ciidamo ka socda Dowladda Uganda ayaa sugaya amaanka dhimsaha xarunta Golaha Shacabka oo xalay lagu wareejiyay Ciidamo Cusub kadib markii xukumadda lagu eedeeyay in ay ka wareejisay Ciidankii hore.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in dhismaha Xarunta Golaha shacabka laga qaado Ciidanka lagu wareejiyay, waxayna arintaasi ku timid kadib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari uu dalbaday in xarunta laga dulqaado Ciidan uu sheegay in uu amray Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre.