Weerar Lagu Qaaday Guriga Taliyaha Booliska Degmaada Baraawe

0

Qaraxyo Bambaanooyin ayaa xaley lagu weeraray hoyga degmada baraawe uu ka degen yahay taliyaha ciidamada booliska degmada baraawe Maxamuud sheikh cumar.

Gudoomiyaha degmada baraawe Xuseen Barre Maxamed (Xuseen Jeex) ayaa sheegay in qaraxyada ay dhaceen fiidnimadi xaley islamarkaana lagu tuuray guriga taliyaha booliska degmada.

 

Gudoomiye jeex ayaa tilmaamay in qaraxyada aysan Khasaare geysan islamarkaana lagu raadjoogo raggi qaraxyadaasi ka danbeeyay.

 

Gudoomiyaha degmada baraawe ayaa sheegay in ilaalada taliyaha booliska degmada baraawe ay risaas ku cabsi geliyeen raggi weerarka qaraxyada ku qaaday guriga taliyaha booliska degmada baraawe.

Majirto ilaa iminka cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi qaraxyada ahaa.

Maamulka degmada baraawe ayaa sheegay in uu bilaabanayo howlgal lagu xaqiijinayo amniga degmada xili maalmihi la soo dhaafay degmada ay ka dhacayeen falal amni daro.