Roobab Mahiigaan ah oo Biyo Badan Dhigay Magaalada Caasimada ah ee Nairobi (SAWIRO)

0

Magaalada Caasimada ah ee Nairobi ee Dalka Kenya iyo degaanada Kale ee ku Teedsan ayaa ayaa Waxaa Ka Da,ay Roobab Mahiigaan ah oo ay dadka iyo duunyadaba ay ku Diirsadeen.

Roobkaan oo Xooganaa oo Saacadihii La soo Dhaafay Ka Da,ay Magaalada Caasimada ah ayaa Waxaa uu Biyo Badan Dhigay Shaaricyada Waaweyn iyadoo Gadiidka Dadweynaha Saaka Qaarkood ay Biyaha Qariyeen.

Marka Laga Reebo Raxmadaan Rabi oo ay ku Diirsadeen Dadka Ku Dhaqan Caasimada Kenya ayaa Hadane Waxaa Jirin Wax Dhibaato ah oo Daadadka ay u Geysteen Dadka Rayidka ah ee ku Nool Degaanada Hooseeya iyo Xaafadaha isku Raranta Loo Yaqaan oo ay ku Nool Yihiin Danyarta Caasimada Nairobi.

Roobkaan ayaa Waxaa uu imaanaya Laba Maalin Ka Hor Digniin ay soo Saartay Waaxda Saadaasha Hawada ee Dalka Kenya oo Looga Digay Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha iyo Dadka Rayidka ahba in ay Taxadar Dheeraad ah ay Muujiyaan inta Lagu Gudo Jiro Bishaan Maarso oo Roobabka La Filayo in ay Ka Da,aan Gobolada Kenya Gaar ahaan Caasimada.

Dhanka Kale Waxaa Hakad Galay Ganacsigii Qeybo Ka Mid ah Magaalada Nairobi iyada oo Ganacsatada ay ku adkaatay Saakay in ay albaabada u Furaan Xarumahooda Ganacsi.

Dowlad Deegaaneedyada Kisii, Kericho, Bomet, Narok, Migori, Kakamega, Kajiado, Nakuru iyo Kwale oo Ka Kala Tirsan Gobolka Bartamaha Rift Valley iyo Gobolka Xeebta Dalka Kenya ayaa La Filayaa in Roobabka ay Biyo Dhigaan Maalmaha soo aadan inkastoo Roobab Laga Soo Tabiyay.

By mohamed somali