Xisbiga ODM oo qabanaya doorashooyin lagu kala reebayo musharaxiinta

0

Xisbiga ODM ayaa maanta lagu wadaa in uu maamul goboleedyada kala ah Busia , Bungoma iyo Machakos ka bilaabo doorashooyin lagu kala reebayo musharaxiinta kala duwan ee doonaya in ay adeegsadaan tiketka xisbigaasi.

Munaasabadahan uu xibsiga ku soo xulanayo musharaxiinta ayaa la qorsheeyay in ay socdaan ilaa iyo 26-ka bishan Afaraad ee aan ku guda jirno.

Waxaa horay loo qorsheeyay in xulashada siyaasiyiinta ay bilaabato 6-dii arrornimo ee saaka ilaa iyo 5-ta galabnimo balse wararka inaga soo gaaraya maamul goboleedka Busia ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor ay codeynta bilaabatay.

Gavanaha countiga Busia Sospeter Ojaamong oo uu tartan adag kala dhexeyo xildhibaanka degaanka Funyula Paul Otuoma ayaa dib u dhacan walaac ka muujiyay

Maamul goboleedyada Busia, Kisumu, Nairobi, Homa Bay, Siaya iyo Migori ayaa lagu sheegay meelaha ay si weyn uga jrto xasarad siyaasadeed oo doorashooyinkan la xariira.

Xisbiga ODM ayaa 16 musharax siisay magacaabis toos ah oo anan tartan loo galin.

By mohamed somali